Maamulka Galmudug oo Farriin u Diray Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya

HomeWararka

Maamulka Galmudug oo Farriin u Diray Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta maamulka Galmudug ayaa looga hadlay doorashada Madaxweynaha Galmudug ee la qorsh

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Kulan soo Dhaweyn ah la Qaatay Safiirka Cusub ee Dowladda Talyaaniga u jooga Soomaaliya
DFS oo Dardar Gelinaysa Diyaarinta Sharciga Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)

War Saxaafadeed kasoo baxay Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta maamulka Galmudug ayaa looga hadlay doorashada Madaxweynaha Galmudug ee la qorsheenayo in 10-ka bishan Apri, ka dhacdo magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee maamulkaasi.

Halkan ka Akhriso War Saxaafadeedka kasoo baxay Wasaarada Dastuurka Galmudug

Wasaarada Dastuurka iyo dib u heshiisiinta Dowlad Goboleedka Galmudug waxay soo dhaweyneysaa go’aankii Baarlamaanka Galmudug ay qaateen 25 March 2017 oo ay ku cadeeyeen in Doorashada Madaxweynaha la qabanayo 10 April 2017.

Sida ku cad Qodobada 48aad iyo 49aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug oo tilmaamaya Waqtiga uu xafiiska madaxweynuhu uusan madaxweyne la’aan ahaan Karin iyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Qodobkiisa 19 Farqada (b) oo ay ku cadahay in 30 Maalmood gudahood lagu soo doorto Madaxweyne cusub marka ay banaanaato jagada Madaxweynaha Galmudug, Wasaaradu waxay cadeyneysaa in lagama maarmaan tahay in la raaco Dastuurka u yaala Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wasaaradu Waxay soo jeedineysaa Qodobadaan:

1. Wasaaradu waxay ugu baaqeysaa Dowlada Federaalka Soomaaliya in ay ixtiraamto Dastuurka u yaala Dowlad Goboleedka Galmudug, faragalinkasta oo aan dastuuri ahayna waxay keeni kartaa kala fogaansho iyo is aaminid la’aan soo kala dhex gasha Galmudug iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

2. Wasaaradu waxay soo dhaweyneysaa heshiis lala galo Ahlusuna-Wal jamaaca oo aan ka hor imaaneyn Dastuurka Dowlad Goboleedka Galmudug.

3. Wasaarada Dastuurka iyo dib u heshiisiintu waxay ugu baaqeysaa Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug in ay xasuusnaadaan in ay masuul ka yihiin Shacabka Galmuudug una dooraan hogaamiye Galmudug ka saari kara daruufaha adag ay wajaheyso waqtigaan.

4. Xubnaha Aqalka Sare ee matala Dowlad Goboleedka Galmudug waxay ugu baaqqeysaa Wasaaradu in ay ka shaqeeyaan danaha Galmudug difaacna u noqdaan jiritaanka Dastuurka Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: