Madaxweynaha Maraykanka oo Saxiixay Amar Lagula Dagaalamayo Ganacsiga Dibadda.

HomeWararka

Madaxweynaha Maraykanka oo Saxiixay Amar Lagula Dagaalamayo Ganacsiga Dibadda.

Madaxwaynaha dalka Maraykanka ayaa saxiixay amar cusub oo looga gon leeyahay in lagula dagaalamo ganacsiga dibada islamarkana hoos u dhigaya isu dheel

Maxkamadda darajada 1-aad ee degmadda kismaayo oo dil ku fulisay nin horey hooyadi u dilay
Rooble oo sheegay inay meel wanaagsan marayaan xalinta khilaafka siyaasiyinta Somaliland
Mareykanka oo duqayn ka fuliyay buuraha u dhow Bosaso

Madaxwaynaha dalka Maraykanka ayaa saxiixay amar cusub oo looga gon leeyahay in lagula dagaalamo ganacsiga dibada islamarkana hoos u dhigaya isu dheelitirnaan la’aanta ganacsiga.

Madaxwaynaha ayaa waxa uu ku dhawaaqay dib u habayn lagu samaynayo waxyaabaha sababa isu dheelitirnaan la’aanta ganacsiga gaar ahaan Shiinaha iyo Maraykanka.

Isbuuca soo socda ayaa lagu wadaa in madaxweyne Donald Trump uu la kulmo madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping, waxayna ku kulmi doonaan gobolka Florida.

Donald Trump ayaa intii uu hayay xilka madaxweynenimada Maraykanka waxa uu saxiixay go’aano muran weyn dhaliyay si adagna loo dhaliilay.

Shiinaha ayaa waxa uu ka mid yahay wadamada sida weyn ganacsi ula leh dalka Maraykanka, gaar ahaan alaabta la dhoofiyo.

XIGASHO-BBC

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: