Golaha Wasiirrada oo la horkeenay Daraasad wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha gaadiidka Bajaajta

HomeWararka

Golaha Wasiirrada oo la horkeenay Daraasad wax looga qabanayo dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha gaadiidka Bajaajta

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga d

BAYDHABO: Qarax ay mas’uuliyiin ku dhaawacmeen oo ka dhacay Buurkakaba
Kenya oo howlgal ka fulinaysa Xadka Soomaaliya
Axmed Madoobe oo shirka isga baxay kuna sii jeeda magaalada Kismaayo

Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa warbixin looga dhageystay Guddiga ka talo-bixinta sidii looga hortagi lahaa dhibaatooyinka ay la kulmaan wadeyaasha Gaadiidka Bajaajta.

Guddiga oo sameeyey daraasad,baaritaanno iyo xogwareysi ay la yeesheen wadeyaasha gaadiidka bajaajta ayaa soo bandhigay tallooyin ka kooban 18 qodob oo xal u ah dhibaatooyinka soo laalaabta ee ay la kulmaan bajaajleydu.

Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga ayaa Golaha warbixin ka siiyey xaaladda amniga guud ee dalka iyo hawlgallada lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, iyada oo goluhu adkeeyey in feejignaan dheeri ah la galo xiligaan ay bilaabatay bisha barakeysan ee Ramadaan, si aysan argagixisadu fursad ugu helin dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed ee cibaadeysanaya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: