Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maalintii 2aad ka socda magaalada Baydhabo.

HomeWararka

Shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa maalintii 2aad ka socda magaalada Baydhabo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoominaya maalintii labaad shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa la

Warka Fiidnimo iyo Xasan Heykal Bosaaso (dhegayso)
Horyaalka Tartan & Tacliin iyo Caawa iyo Eyl: Eyl Sare fkf Maxamed Cawaale Sare, Bossaso
Xildhibaan Golaha Shacabka oo kasoo horjeestay in Farmaajo tago Hargeyso

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo guddoominaya maalintii labaad shirka Golaha Wadatashiga Qaran ayaa lagu lafa gurayaa warbixinnada ay soo gudbiyeen guddiyada u xilsaaran soo dhiraan dhirinta hannaanka federaaleynta maaliyadda, doorashooyinka iyo qaab dhismeedka amniga qaranka.

Shirkan waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Mudane Salah Jama iyo Madaxweynayaasha Dowlad-Goboleedyada, Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: