GAROOWE: Ciidamada Amniga  oo Xabsiga Dhigay Dad Gegida Diyaaradaha Garoowe U Tagay Soodhaweynta Wasiir Jamaal

HomeWararka

GAROOWE: Ciidamada Amniga oo Xabsiga Dhigay Dad Gegida Diyaaradaha Garoowe U Tagay Soodhaweynta Wasiir Jamaal

Magaalada Garowe ciidamada Ammaanka Garoonka diyaaradaha yaa maanta waxa ay xirxireen dad doonayay inay soodhaweeyaan Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda S

Burtinle Soo Dhaweynta Musharax Madaxweyne Puntland 2024 Cartan Bardacad
MADAXWEYNE DENI: “GACANTAA LAGU DHIGAY RAGGII KA DAMBEYEEY DILKII WARIYE JAMAAL FAARAX AADAN”
Wasiirka Arrimaha dibadda Soomaaliya oo ka qeyb galay shirka wadamada Carabta.

Magaalada Garowe ciidamada Ammaanka Garoonka diyaaradaha yaa maanta waxa ay xirxireen dad doonayay inay soodhaweeyaan Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo Garowe ka soo dagay kuna wajahnaa Badhan.

Ciidamada ayaa markii hore waxaa ay dadka ku celiyeen bannaanka Garoonka, waxaana dadka la xiray ay ahaayeen kuwo doonayay inay garoonka soo galaan.

Muuqaalo la soo dbigay Baraha Bulshada ayaa muujinayay Ciidamada Puntland oo qoorqabanaya qaar kamid ah dadka soodhaweynta ka qeybgeli lahaa iyaga oo saarayay gaadiidka nooca dagaalka ah.

Wasiirka aya markii uu ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Garowe waxa uu u ambabaxay degmada Badhan isagoo sii maray degmada Qardho halkaas oo uu kula kulmay Boqor Burhaan Boqor Muuse.

Wasiir Qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan ayaa isu-diyaarinaya olole ku uu ku doonayo inuu mar kale ku laabto kursiga Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

Daawo

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: