HomeUncategorized

Magacyada qaar kamid ah Soomaalidii saarnay doon lagu duqeeyey Yemen.

Waxa soo baxaya xogo dheeraad ah oo laga helayo magacayada dhallinyaradii Soomaaliyeed oo dhawaan diyaaraddu ku laysay badda dalka Yemen, kuwaas oo in badan oo kamid ahi kasoo jeedday Somaliland.

Tartan iyo Tacliin xalay oo galay habeenkii labaad iyo dugsiga Al-Nuur Baran oo ka guulaystay dugsiga Al-Azhar Qardho
Madaxweyne Gaas oo magacaabay gudoomiyaha maxkamadda sare.
Ra’iisul wasaare Khayre oo ka hadlay Soomaalidii lagu xansuuqay Yemen.

Waxa soo baxaya xogo dheeraad ah oo laga helayo magacayada dhallinyaradii Soomaaliyeed oo dhawaan diyaaraddu ku laysay badda dalka Yemen, kuwaas oo in badan oo kamid ahi kasoo jeedday Somaliland.

Xogaha ugu dambeeya, ayaa sheegaya magacyada qaybtii labaad ee dhallinyaradaas oo aanay qaarkood magacyadoodu dhammaystirnayn lagu baahiyey qaar kamid ah mareegaha warbaahinta oo ay kamid tahay Ramaasnews.

Sidoo kalena waxa xusid mudan inay  dhalinyaro doonta saarnaa markii ay diyaaraddu duqaysay si fool u xun u googo’ay oo ilaa hadda la garan la yahay magacyadooda iyo halka ay dhalasho ahaan kasoo jeedaan iyo waliba dhalinyaro iyagu alle ka badbaadiyey duqayntaasi kuwaas oo ku xidhan xabsiyo ku yaala xeebaha dalka Yamen.

Hadaba magacyada dhalinyarada ku nafwaayey iyo kuwa ku dhaawacmay  duqayntaasi diyaaradddu u gaysatay doonta ay saarnaayeen ayaa waxay kala yihiin sida tan.

Cabdirashiid Cismaan Cige(dhimasho)

Deeq Aadan Maxamed Biixi(dhimasho)

Maxamed Aadan Xaaji Cabdi wali lama xaqiijin dhimashadiisa

Caasha Cabdirisaaq Maxamed Baaxeer wali lama xaqiijin dhimashadeeda

Salma Kayse (dhimasho)

Sakariye Ismaaciil Dubbeeye oo kasoo jeeda Burco(dhimasho)

Kayse Ciise(dhaawac)

Nadiir Mahdi(dhaawac)

Ahmed Qays(dhaawac)

Marwaan Haaji Jaamac(dhaawac)

Cabdisalaan Cabdilaahi(dhaawac)

Sahra Faysal Cabdi(dhaawac)

M C Cabdalle(dhaawac)

Axmed Maxamed Ciise(dhaawac) waxaana uu ku jiraa xabsiga

Hibaaq Jaamac Raage oo kasoo jeeda Hargeysa wali lama xaqiijin dhimashadeeda

Cabdirisaaq Xudhuun oo kasoo jeeda Burco(dhimasho)

Xamse Magaciisa oo saddexan lama hayo madaxaa go’ay isaga (dhimasho)

Mahad Hussein Garbo-haye   oo kasoo jeeda Hargeysa isagu wax uu ku jiraa xabsiga.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: