HomeUncategorized

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo lakulmay saraakiisha AMISOM.

Muqdisho, Mar 15 2017-Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa kula kulmay Madaxda ugu sareysa Ciidamada Midowag Afrika ee AMISOM, waxa ayna kawada hadleyn arimo muhiim ah.

(Dhagayso) Maamulka G. Nuugaal oo saraakiisha ammaanka ku eedeeyay rasaas xalay laga maqlayay gudaha magaalada Garowe.
?Wafti uu hogaaminayo wasiir al dawlaha Arrimaha Gudaha ee federaalka oo booqanaya Puntland.
Laba qarax oo laga maqlay suuqa Bakaaraha xilli uu socday howlgal lagu burburinayo dhismayaasha sharci darada

Muqdisho, Mar 15 2017-Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa xafiiskiisa kula kulmay Madaxda ugu sareysa Ciidamada Midowag Afrika ee AMISOM, waxa ayna kawada hadleyn arimo muhiim ah.

Kulanka ka dhacay xafiiska Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya waxaa goob joog ka ahaa Madaxa ugu sareeya Ciidamada AMISOM Amb. Francisco Madeira Caetano,Taliyaha Milatariga AMISOM iyo Taliyaha Booliska AMISOM.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa kala hadlay Madaxda iyo taliyaasaha ugu sareeya AMISOM sidii loo xoojin lahaa howlagalada amaanka lagu xaqiijinayo iyo in wada shaqeyn dhaw ay yeeshaan AMISOM iyo xukuumada cusub.

Madaxda ugu sareysa AMISOM ayaa u balan qaaday Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre in si dhaw ula shaqeyn doonana dowlada cusub ayna xoojin doonaan howlgalka lagu xaqiijinayo amaanka dalka iyaga oo kaa shanaya ciidanka Dowlada Soomaaliya.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: