HomeUncategorized

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay sharciyada uu soo saaray Donald Trump.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dhaleeceeyey go’aanka dhinaca socdaalka ah ee dowlada Maraykanku ku mamnuucday muddo afar bilood ah dadka ka soo jeeda lix dal oo ay Soomaaliya ku jirto.

Dhagayso Wasiir Bashiir Gurxan: Dagaalka Dhabad waxaa ka dambaysa Galmudug, Shabaab iyo ciidanka DF oo wadajir ah
Doorashada aqalka hoose oo lagu soo gabagbaynayo magaalada Garoowe.
Nabad-sugidda Jubba oo tobbanaan qof u qabtay masuul xalay lagu dilay magaalada Kismaayo

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa dhaleeceeyey go’aanka dhinaca socdaalka ah ee dowlada Maraykanku ku mamnuucday muddo afar bilood ah dadka ka soo jeeda lix dal oo ay Soomaaliya ku jirto.

Waxaaa uu sheegay madaxweyne Farmajo iney codsanayaan in xayiraadan si deg deg ah looqga qaado Soomaalida maadaama dad badan oo Soomaali ah ay ku nool yihiin wadanka Maraykanka.

“Waxaan door bidayaa in xayiraadan la qaado, waxaan xiriir la sameyn doonaa dowladda Maraykanka” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay Madaxweynaha Somalia in wadanka Maraykanka ay ku nool yihiin bulsho badan oo Soomaaliyeed kuwaasoo uu saameyn karo go’aankan maadaama ehelo badan ay ka joogaan Somalia.

“Waxaa qof kasta ogyahay in Maraykanka ay ku nool yihiin bulsho badan oo Soomaaliyeed, kuwaasoo siyaabo kala duwan gacan uga geysta dhaqaalaha Maraykanka, waana inaan qiimeynaa kaalintaas intii la eegi lahaa dad yar oo ay dhici karto iney dhibaato geystaan” ayuu yiri Farmaajo oo isaga laftiisa ka mid ahaa Soomaalida ku nool Maraykanka.

Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya wuxuu hadalkaasi sheegay ka dib kulan uu Muqdisho kula yeeshay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobeey Antonio Guterres oo maanta halkaas booqday.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: