HomeUncategorized

Hay’ada socdaalka iyo Jinsiyadaha oo xafiis ka furatay magaalada Baydhabo.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Adan Jimcaale (Koofi) ayaa gelinkii dambeee shalay xariga ka jaray Xarun dhexe oo ay Hay’addu ka furtay magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed waxaana xaruntan laga maamuli doonaa dhamaan xarumaha ay Hay’addu ku leedahay Deegaanada Maamulka Koofur Galbeed.

BARNAAMIJKA SAAKA IYO DUNIDA_JIMCO,08 [DHAGAYSO ]
Wasiir Qarjab oo Wacad ku Maray xaqiijinta Amniga Puntland
Dawlada Maraykanka oo ugu baaqay Puntland siidaynta weriyaha VOA-da.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Adan Jimcaale (Koofi) ayaa gelinkii dambeee shalay xariga ka jaray Xarun dhexe oo ay Hay’addu ka furtay magaalada Baydhabo Xarunta KMG ah ee Maamulka Koofur Galbeed waxaana xaruntan laga maamuli doonaa dhamaan xarumaha ay Hay’addu ku leedahay Deegaanada Maamulka Koofur Galbeed.

Xaflada Furitaanka ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiiro Xidhibaano iyo maamulka Gobolka Baay waxaana ay dhamaan si isku mid ah u balan qadeen in ay si buuxda ula shaqeyn doonaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda dhamaan xarumaha ay ku leedahaya Koofur Galbeed.

Gaashaanle sare Koofi ayaa dhankiisa Xaflada ka sheegay in ay dhawaan  deegnada uu ka arimiyo maamulka Koofur Galbeed ka furi doonaan xarumo kale oo ay Hay’addu leedahay ayna ugo soo horeeyaan xarumo laga hirgaliyo Magaalooyinka Ceel Barde iy Xudur.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: