HomeUncategorized

DHEGEYSO-Wasiirka amniga Puntland oo dalka ku soo laabtay kana kahadlay arrimo muhiim ah.

Boosaaso, Feb 15 2017-Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa maanta yimid magaalada Bossaso kadib markii muddo 5 bilood ah uu arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka Hindiya.

DHAGAYSO: Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Wariye MCI
Qarax kadhacay magaalada Baladwayne
Baahin: Salaasa, Mar 08, Weriye Kuuriya…Maamulka gobolka Gedo oo sheegaya in ay Alshabab isaga baxday inta badan gobolka …Maamulka gobolka Banaadir oo ugu baaqay shacabkii barakacay in ay ku soo noqdaan degaankoodii; Maxaa keenay baaqaas …Caalimka Islaamiga ah Sheekh Cumar Faaruuq oo ku geeriyooday magaalada Makka …8-da Maarso oo si wayn looga xusay Puntland, Somalia iyo dhammaan daafaha caalamka …
 
Boosaaso, Feb 15 2017-Wasiirka amniga Puntland Cabdi Xirsi Cali Qarjab ayaa maanta yimid magaalada Bossaso kadib markii muddo 5 bilood ah uu arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka Hindiya.
 
Wasiir Qarjab, ayaa ka mid ahaa masuuliyiinta la socday meydka madaxweynihii hore ee Puntland Gen. Maxamuud Muuse Xirsi Cadde oo maanta gelinki hore laga soo jediyey garoonka diyaaradaha ee Magaalada Bossaso kadib markii Arbacadii todobaadkii hore uu ku geeriyooday dalka Iskutagga Imaaraadka Carabta.
 
Cabid Xirsi Cali Qarjab, wasiirka amniga Puntland ayaa markii uu maanta yimid Bossaso wareysi gaar ah siiyey Radio Daljir, isagoo ka warramay xaalkiisa caafimaad ee xilligaan sida uu yahay, sidoo kalena ka hadlay amniga Puntland iyo arrimo la xiriira nabadgalyada.
 
Cabdifataax Cumar Geeddi oo wasiirka wareystay ayaa marka hore waydiiyey haatan xaalkiisa caafimaad sida uu yahay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: