HomeUncategorized

Doorashada aqalka hoose oo lagu soo gabagbaynayo magaalada Garoowe.

Garoowe, Dec 12 2016-Xarunta Jaamacadda bariga Africa ee magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in saaka lagu soo gabagabeeyo doorashada aqalka hoose ee xildhibaanada federalka ah ee Soomaaliya.

Xaaladda amni ee Galkacyo oo ka soo raynaysa iyo diiwaan-galintii hubka yaryar oo wali socota.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
Xildhibaan ka tirsan barlamaanka Kenya oo xabsiga laga sii daynayo

Garoowe, Dec 12 2016-Xarunta Jaamacadda bariga Africa ee magaalada Garoowe ayaa lagu wadaa in saaka lagu soo gabagabeeyo doorashada aqalka hoose ee xildhibaanada federalka ah ee Soomaaliya.

Doorashada saaka ayaa waxaa lagu dooran doonaa ilaa 5 xildhibaan oo ah kuwa ugu dambeeya ee barlamaanka cusub, taasi oo kadhigan in Puntland ay soo afmeerto doorashada barlamaanka cusub.

Haddii Puntland ku guulaysato inay soo doorato xildhibaanada kasoo gelaya barlamaanka deegaamada Sool, Sanaag iyo Cayn ee kujira xubnaha Soomaaliland, waxaa markale laysugu imaan doonaa doorashadooda.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid oo dhowaan soo gaarey Garoowe ayaa sheegay in xal laga gaari doono arrimaha xubnahaasi iyo meesha lagu dooran doono.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: