HomeUncategorized

Kor u qaadista canshuuraha Puntland oo looga hadlay Boosaaso.

Boosaaso, Dec 03 2016-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo Wasiir kuxigeenka Dakhliga Mudane Maxamed Jibriil Caateeye ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.

Puntland oo ku baaqday in laga qaybgalo banaanbaxyada ololaha Doorashooyinka
Booliska Kenya oo bilaabay howlgalo lagu baadi goobayo ragii ka dambeeyey weerarkii xalay
COD-Garoonka diyaaradaha Boosaaso oo laga mamnoocay hub iyo ciidan.

Boosaaso, Dec 03 2016-Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax iyo Wasiir kuxigeenka Dakhliga Mudane Maxamed Jibriil Caateeye ayaa maanta soo gaaray magaalada Boosaaso.

 

Mudane Axmed Yaasiin Saalax oo uu weheliyo Mudane Maxamed Fibrin Caateeye ayaa kulan la qaatay Agaasimayaasha Cashuuraha,Furdada,Saraakiisha Cashuuraha,dekeda iyo qaar kamid ah shaqaalaha.

 

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland Mudane Axmed Yaasiin Saalax oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay iney u yimaadeen kicinta cashuuraha qeybahooda kala duwan.

 

Axmed Yaasiin Saalax ayaa sheegay in uu si weyn usoo dhaweynayo ganacsatada kala shaqeysay Wasaaradda bixinta cashuurahaas una horseeday go’aankii dowladnimo iney fuliyaan.

 

Wasiir kuxigeenka Maaliyadda Puntland iyo Wasiir kuxigeenka Dakhliga ayaa kormeeray habsami u socodka shaqo ee Waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda xarunta dekeda ee Boosaaso.

 

Madaxda Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Puntland ayaa mudada ay joogaan magaalada Boosaaso,waxay kulamo kor loogu qaaday Cashuutaha la qaadan doonaan ganacsatada gobolka.

 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: