HomeUncategorized

Axmed Madoobe oo hambalyo u diray xubnaha aqalka sare ee Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu soo dhaweynayaa Doorashadii xalaasha ahayd ee ay Baarlamaanka Jubbaland kudoorteen xubnaha Aqalka Sare u matalaya Dowlad goboleedka Jubbaland ayada oo noqoneysa Tallaabo horey loogu qaadey Doorashada 2016 ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan sheikh oo qeybaha bulshada iyo maamulka Hiiraan kala hadlay dib u heshiisiinta
Dhagayso – Barnaamijkii Caawa iyo Daljir Isniin, 08, 2016 Maxamed Cabdullahi Cali (Kooshin) Daljir Studio Garowe
Hoteel Casri ah oo laga furay Magaalada Muqdisho (DAAWO SAWIRRO)

Madaxweynaha Jubbaland mudane Axmed Maxamed Islaam wuxuu soo dhaweynayaa Doorashadii xalaasha ahayd ee ay Baarlamaanka Jubbaland kudoorteen xubnaha Aqalka Sare u matalaya Dowlad goboleedka Jubbaland ayada oo noqoneysa Tallaabo horey loogu qaadey Doorashada 2016 ee Soomaaliya.

“Doorashadan oo si xalaal ah u dhacdey waxaan ugu hambalyeynayaa Xubnaha kuguuleystey kamid noqoshada Aqalka sare ee Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya aniga oo ilaahey uga baryaya inuu ku garab galo kuna guuleeyo Masuuliyada loo igmadey.

Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam ayaa si gaar ah ugu Hambalyeey halka kursi ee ay Dumarku kuguuleysteen “Waxaan si gaar ah ugu Hambalyeynayaa Marwo Fadumo Gariyo oo kaligeed nasiib uyeelatey inay buuxiso qeybta Haweenka ee matalaada Aqalka Sare ,,.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa u mahad celiyey Ciidamada Amaanka ee Jubbaland qeybohooda kala duwan ee sugayey Amaanka Goobta ay kadhaceysey Doorashadu iyo guud ahaan magaalada.

Ugu danbeyn Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam wuxuu bogaadiyey kuna amaaney Gudiga Doorashada heer Federal iyo heer Dowlad goboleedba sida habsamida leh ee ay Doorashada Aqalka Sare u ee Jubbaland u qabsoontey.

………………………………………DHAMAAAD…………………….………………

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: