Bangiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ka cafiyay deyntii uu ku lahaa

HomeWararka

Bangiga Horumarinta Afrika oo Soomaaliya ka cafiyay deyntii uu ku lahaa

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Bankiga horumarinta Afrika uu cafiyey deyntii Soomaaliya

Xarunta waxbarashada gobolka Banaadir oo xariga laga jaray
Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Puntland an laga taageerin la dagaalanka Aragagixisada (Daawo)
KHADAR CAWIL ISMAACIIL OO AH XOGHAYA WARFAAFINTA & XAQUUQUL INSAANKA NUSOJ AYAA SHARAXA MUHIIMADA MAALINTA RAADIYAHA

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in Bankiga horumarinta Afrika uu cafiyey deyntii Soomaaliya uu ku lahaa, kadib dadaal dheer oo dowladda ay ku sameysay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka.

“Waxa aan aad iyo aad ugu faraxsanahay, isla markaana aan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeynayaa dadaal dheer kadib in Bangiga horumarinta Afika uu cafiyay deyntii Soomaaliya uu kulahaa, sida ka muuqata Warbixinta uu soo saaray”

“Warbixinta AFDB waxa ay cadeyneysaa isbadalka muuqda ee aan ka sameynay hagaajinta hanaanka maamulka Maaliyadda iyo dhaqaalaha dalka” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda.

Wasiir Beyle ayaa xusay in dawladda Soomaaliya ay ka go’an tahay inay sii wado dadaalka ay ugu jirto isbadalka horumarineed ee dhanka Maaliyadda dalka.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaa naga go’an in aan sii wadno dadaalka isbadal ee horumar ka Maaliyadda Soomaaliya, Waxa aan u mahadcelinayaa saaxibadeena caalamka, si gaar ah UK iyo EU oo garab buuxa nagu siiyay in deyntaan uu naga cafiyo Bangiga horumarinta Afika” ayuu yiri wasiir beyle.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: