Guddoomiye Filish oo farriin u direy Shacabka Muqdisho

HomeWararka

Guddoomiye Filish oo farriin u direy Shacabka Muqdisho

Shirka todobaadlaha ee Maamulka Guud ee Gobalka Banaadir ayaa Markale ka qabsoomay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar,kaas oo looga hadlay Arrimo

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir oo booqday dhaawacyadii la dhigay Cisbitaallada magaalada
Land mine blast in Somalia leaves three dead
Maxaa looga hadlay Shirka Madasha Arrimaha Abaaraha ee dalka? (daawo)

Shirka todobaadlaha ee Maamulka Guud ee Gobalka Banaadir ayaa Markale ka qabsoomay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar,kaas oo looga hadlay Arrimo badan oo muhiim ah.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Doorka uu Maamulka Gobalka Banaadir iyo Dowladda Hoose kaga Aadan ka hortaga xanuunka Coved 19, gaar ahaan waaxda caafimaadka Dowladda Hoose iyo Warbaahinta Gobalka Banaadir kaga Aadan Wacyi galinta Bulshada.

Kulanka waxa kale oo looga hadlay Dardargalinta ololaha canshuur uruurinta Dowladda Hoose ee Xamar oo Meel Wanaagsan Maraya, Xaaladda Guud ee Amniga Magaalada Muqdisho ayaa kulanka muhiimad gaar ah la siiyay iyadoo la Xusay qaraxyadii lala eegtay Balaayaasha Kamirooyinka qarsoon ee lagu sugo ammaanka Magaalada ee loo yaqaan (CCTV), Waxaa kale oo lagu soo qaaday kulanka bilicda iyo Nadaafadda Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Shirka ayaa gabagabadiisa lagu ballamay in laga dhabeeyo hal-ku dhigga duqa Muqdisho oo ah Bulsho Nabad ah iyo Balad Nadiif ah.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: