Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Madaxa Hay’ada UNIDO ee Soomaaliya

HomeWararka

Wasiirka Ganacsiga oo la kulmay Madaxa Hay’ada UNIDO ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland oo booqday Dekadda Garacad (dhegayso)
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (dhegayso)
JAWI ROOBAAD AYAA KA JIRA BADANKA XEEBAHA PUNTLAND SAACADIHII U DAMBEEYEYNA WAANA DA’AYEY.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu maanta xafiiskiisa ku qaabilay madaxa hay’adda UNIDO ee Soomaaliya Mr. Ygor Scarcia oo wada-shaqeyn xooggan kala dhaxayso Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan oo ay kulanka ku wehelinayeen Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Md. Daahir Cabdi Cabdullaahi, Agaasimaha Guud Md. Cabdicasiis Ibraahim Aadan, La-taliyaha Wasaaradda Axmed Cilmi iyo mas’uuliyiin kale, ayaa waxay ka wad-hadleen arrimo badan oo khuseeya dhinacyada ay ka wada-shaqeeyaan gaar ahaan horumarinta Ganacsiga dalka, fududeynta Ganacsiga, dayac-tirka dhimaha Wasaaradda iyo weli ba sidoo kale dhismaha xarunta Wasaaradda Warshadaha oo dhawaan la bilaabi doono sidoo kale na ay dhismihiisa Wasaaradda ka taageeri doonto hay’adda UNIDO.

Mr. Ygor Scarcia oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay wada-shaqeynta dhow la lee yihiin Wasaaradda Ganacsiga isla mar ahaantaana ay diyaar u yihiin in ay ka taageeraan siddii loo horumarinta lahaa Ganacsiga iyo Warshadeynta dalka. Wuxu balan-qaaday inay diyaar u yihiin dhisidda xarunta Wasaaradda Warshadaha iyo sidoo kale horumarinta Ganacsatada dalka.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu hay’adda UNIDO uga mahad-celiyey wada-shaqeynta dhow ee ay la lee yihiin Wasaaradda, mashaariicda ay ka taageeraan, dib-u-dhiska ay ku sameeyeen Wasaaradda iyo taageeraddooda tooska ah ee ay mar walba la garab taagan yihiin.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0