HomeUncategorized

Warsaxaafadeed: Guddiga Doorashada Dad-ban ee Soomaaliya oo Maamul Gobolleedyada u qabtay muddo 2 maalmood ah.

Muqdisho, Oct, 05, 2016 - Soo Gudbinta Liiska Xubnaha Aqalka Sare Oo Dib U Dhacday, Guddiga Doorashada Oo Labo Maalin u Qabtay Maamul Goboleedyada

(Dhagayso Warbixin) Xildhibaan Gaas oo si diiran loogu soo dhaweeyay Boossaaso.
Galgala: Fariisinkii ciidanka Puntland ee Galgala oo la qabsaday; Madaxda dawladda iyo saraakiisha ciidanka oo xaaladda ka shiraya.
Barnaamijka Maanhadal ee Radio Daljir oo looga hadlayo Hiigsiga 2016 Iyo Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeya DF Iyo Maamullada dalka.

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD)  ayaa ku eedeeyay maamul goboleedyada dalka in ay ku guul-dareysteen soo gudbinta liiska ama xubnaha u sharaxan aqalka sare, iyagoo qabtay labo maalin in shaqadaas lagu dhameystiro haddii kale ay doorashada dib u dhici doonto mas’uuliyaddana ay madaxda maamullada qaadi doonaan.

War saxaafadeed

Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD)  wuxuu caddeynayaa in manta oo ah 5ta bishaOktoobar 2016ka is la markaasna ah maalintii loo muddeeyey in Maamullada Dowlad Gobaleedyadu ay soo gudbiyaan magacyada musharraxiintaA qalka Sare in aysansuurogelin. Sababtuna ay tahay Maamullada oo aan weli soogudbin magacyada musharraxiinta. Sidaasi darted waxaa guddigu ugubaaqayaa mas’uuliinta MaamulGobaleedyada in ay labo maalmood gudahood magacyada musharraxiinta AqalkaSare ku soo gudbiyaan.

Waxa kale oo Guddigu ugu baqayaa Madasha Hoggaanka Qaran (MHQ) in ay dedejiyaan hannanka doorashada xubnaha Aqalka Sare u matalaya Gobalada Hiiraan iyo Shabeelada dhexe, maadaama labadaasi gobolaysan lahayn dowlad gobaleed.

Guddigu, sidoo kale waxaa uu ugu baaqayaa madasha MHQ in ay sida ugu dhaqsiyaha badan go’aan uga gaaraan qaab ka lagu soo xulayo xubnaha aqalkas are u matalaya Somaliland si loo dardargeliyo hannanka doorashada 2016 ka.

Ugudanbeytii, waxaa guddigu ka digayaa in haddii waqtigii loogu talogalay lagu soo gudbinwaayo magacyada musharraxiinta aqalka sare in ay sababi karto in howlahii doorashadu ay ku qabsoomi waayaan waqtigii loo qorsheeyey.

***DHAMMAAD***

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: