Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Ceel-Waaq oo lala beegsaday Shirkada Hormuud

HomeWararka

Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Ceel-Waaq oo lala beegsaday Shirkada Hormuud

Diyaarad nooca dagaalka ah ayaa duqeyn ka geysatay xalay xarun ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku lahayd deegaan ka tirsan degmada Ceelwaaq ee gobol

Isimada Puntland oo ka tacsiyeyay dilka Suldaan Xasan iyo Askarigii dilka gaystay oo Xabsiga ladhigay (dhegayso )
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Dhuusamareeb (dhegayso)
Garoowe: Siyaasiyiinta mucaaradka ah oo naqdiyey hadalkii Madaxweyne Deni xalay jeediyey

Diyaarad nooca dagaalka ah ayaa duqeyn ka geysatay xalay xarun ay Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ku lahayd deegaan ka tirsan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dhowaqa gantaalo lala beegsaday dhismaha xaruntan laga maqlay meelo fog-fog hase yeeshee lama oga qasaaraha gaaray xaruntan.

Xasan Aadan Biixi oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada DFS ee ku sugan Degmada Ceelwaaq ayaa sheegay in ay arkeen tiro madaafiic ah oo ka dhacday diyaaradda oo ku dhacday Xarun Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ay ku leedahay Degmadaas.
Sarkaalkan ayaa sheegay in diyaarada duqeynta geysatay ay lahaayeen ciidamada dowlada Kenya.

“Diyaaradda duqeynta geysatay ayaa dhowr jeer sidaan oo kale weeraro ka fulisay qaybo katirsan Gobolka Gedo gaar ahaan Tuulooyinka hoostaga Degmada Ceelwaaq.”ayuu sheegay sarkaalkan oo ay wareysatay VOA laanta afka soomaaliga.

Dhowr jeer oo hore Diyaaradaha dagaalka Kenya waxa ay bartilmaameedsadeen Anteenooyinka Shirkadaha Isgaarsiinta Degmooyinka dhaca Soohdinta dalkaas, waxaana mararka qaar qaraxyo ku xira Ciidamada Kenya sida gaarka u tababaran.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah kama soo bixin shirkadda Hormuud iyo weliba Maamulka Jubbaland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: