Kulamo u dhexeeyay  wasaaradda maaliyadda Iyo guddiga ganacsatada Boosaaso oo fashil ku dhammaaday.

HomeWararka

Kulamo u dhexeeyay wasaaradda maaliyadda Iyo guddiga ganacsatada Boosaaso oo fashil ku dhammaaday.

Waxaa fashil iyo is-faham waa ku soo dhammaaday kulan dhexmaray guddiga ganacsatada magaalada Bosaso iyo mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda Puntland

Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Boqortooyada Sacuudi Carabiya u fadhiya Somaaliya
Xulashada Daljir & Xasan Heykal iyo Daljir Bossaso(dhegayso)
Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)

Waxaa fashil iyo is-faham waa ku soo dhammaaday kulan dhexmaray guddiga ganacsatada magaalada Bosaso iyo mas’uuliyiinta wasaaradda maaliyadda Puntland.

Kulanka ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee Rugta ganacsiga ee magaalada Bosaso.

Kulanka ayaa looga hadlay canshuur kordhin ay sheegeen ganacsatada in ay sameysay wasaaradda maaliyadda Puntland, waxaana ka soo qeyb galay wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda Cumar Xasan Fiqi, aagsimayaasha wasaaradda iyo guddiga ganacsatada Bosaso.

Waxa uu qaatay kulanka oo socday muddo dhan seddex saac, balse wax natiijo ah kama soo bixin, sidaa waxaa yiri mid ka mid ah ganacsatada magaalada Bosaso.

”Ganacsatada waxa ay ka codsadeen madaxda wasaaradda maaliyadda in la tixgeliyo daruufaha ka jira magaalada Bosaso iyo guud ahaan dalka, canshuurta la kordhiyeyna laga daayo ganacsatada, balse madaxda wasaaradda maaliyadda arinkaasi dheg jalaq uma siin oo weli waxa ay ku adkeysanayeen go’aankooda ayuu hadalkiisa ku daray ganacsatadaha oo ka gaabsaday in la xuso magaciisa.

Weli waxaa ku xaniban gudaha dekadda alaab farabadan oo gancsatada ka keenay dalalka Shiinaha, Imaaraatka Carabta iyo Cumaan, waxaana weli la isku mari la’ayahay canshuurta laga qaadayo alaabta.

Wasaaradda maaliyadda ayaa qorsheysay sida la sheegay in alaabta taala gudaha dekadda ku xireyso bakhaaaro, si dhaq-dhaqaaqa dekadda aysan saameyn ugu yeelan.

Ganacsatada ayaa la sheegayaa in ay qorsheenayaan dibad bax ballaaran oo ay ku muujinayaan dareenkooda ama cabashadooda.

Waxaa furan suuqa weyn ee magaalada Bosaso, waxaa ganacsatada qaarkood ay sheegeen in wasaaradda maaliyadda hadda gacanta ku heyso qorshe cusub oo canshuur kordhin ah.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: