Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si weyn loogu soo dhaweeyey Bosaso (Sawiro)

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo si weyn loogu soo dhaweeyey Bosaso  (Sawiro)

Magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxaa soo gaaray Boqorka Beelaha Daarood Boqor Burhaan Boqor Muuse, iyadoona si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada.

Soo dhaweynta Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa ahayd mid aan loo kala harin, waxaana ka qeyb galay Issimo, waxgarad, nabadoono, ganacsato, dhalinyaro, haween, saraakiisha amniga Puntland, culumo’udiin, xildhibaano ka kala socday Puntland iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo maamulka gobolka Bari.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaalada Bosaso ayaa waxaa hoyga uu ka degan yahay magaalada u gelbiyey boqolaal gaadiidka nooca raaxada ah oo ka qeyb qaadanayey soo dhaweyntiisa.

Boqor Burhaan Boqor Muuse oo la hadlay dadkii ka qeyb galay soo dhaweyntiisa ayaa ka mahad celiyey sida wanaagsan ay ugu soo dhaweeyeen magaalada Bosaso

Mudooyinkii ugu dambeeyey Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa socdaal ku marayey wadamo faradan, isla markaana kulama la soo qaatay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Yemen iyo Cuman

Sidoo kale Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa intuu uu ku sugnaa Yemen iyo Cuman kulamo la qaatay hogaanka dhaqanka ee Cuman iyo Yemen.

Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa lagu wadaa inta uu ku sugan yahay magaalada Bosaso in uu kulamo la qaato bulshada qeybaheeda kale.

Sanadkii hore ee 2019 ayuu Boqorku ugu safray dalka Jarmalka arrimo Caafimaad, waxa uuna soo maray dalalka Sweden, Imaaraadka Carabta, Cumaan iyo Yemen.
Daawo.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com