Guddiga doorashooyinka Puntland oo bilaabay kulamo ku saabsan doorasho qof iyo Cod ah

HomeWararka

Guddiga doorashooyinka Puntland oo bilaabay kulamo ku saabsan doorasho qof iyo Cod ah

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan baalaaran la qaatay masuuliyiin ka socda hay’adaha dawladda, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka

Madaxweynaha Puntland oo kormeeray dayactirka Buundooyinka deegaanka XaajiKheyr
Xulashada Daljir & Xasan Heykal, Daljir Garoowe (dhegayso)
Ciidamada Dawlada iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka oo Hawlgallo ka wada galbeedka degmada Buulaburte

Guddiga KMG doorashooyinka Puntland ayaa maanta kulan baalaaran la qaatay masuuliyiin ka socda hay’adaha dawladda, siyaasiyiinta iyo bulshada rayidka ah ee Puntland.

kulanka oo noqodoona mid 3 biloodle ah waxaa guddigu kusoo bandhigidoonaa wixii qabsoomay 3da bilood ee tagay, wixii caqabado ah iyo doodwadaag dhexmaridoona Guddiga iyo qaybaha kala duwan ee dawladda iyo bulshada.

Guddigu wuxuu saaka si gooni ah uga warbixiyay waxyaabihii kasoo baxay safaradii asbuucyada qaatay ee guddigu ku mareen dhamaan gobolada Puntland iyo siday bulshada Puntland ugu baahi qabaan doorasho xor ah oo qof iyo cod ahi inay Puntland ka qabsoonta.

Sidoo kale Guddiga ayaa kasoo qayb galayaasha madashan ka dhegaysay fikradahooda iyo su’aalaha ay barnaamijkaan ka qabaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: