Madaxweyne Axmed Madoobe oo Dhoobl

Madaxweyne Axmed Madoobe oo Dhoobl

Madaxweynaha mamaulka Juubaland Axmed Madoobe ayaa  kulamo kula qaatay  magaalada Dhoobley bulshada qeybaheeda kala duwan.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa saraakiisha kala hadlaya sidii ay ka yeeli lahaayeen ciidamada dowlada ee laga keenay Muqdisho oo ku sii fidaya deegaano ka mid ah Jubbaland.

Sidoo kale waxaa la sheegay in Axmed Madoobe uu ciidamadiisa u diyaarinayo dagaal ay la galaan ururka Al-Shabaab si ay ula wareegaan deegaano cusub maadaama inta badan gobolka Gedo haatan gacantooda ay ka baxday.

Axmed Madoobe ayaa saraakiisha amray la bilaabo howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo gacanta ku haya degmooyin iyo deegaano ka tirsan gobollada Jubbooyinka ee uu ka arrimiyo maamulkan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa gelinkii dambe ee shalay Dhoobley ku tegay diyaarad militeri oo ka qaaday magaalada Kismaayo oo ay leyihiin ciidamada cirka ee dowladda Kenya.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com