HomeUncategorized

DHEGEYSO-Golaha xukuumadda Puntland oo bogaadiyey in xoolaha lagu kala wareejiyo Galkacyo.

Garoowe, Sep 23 2016--Golaha xukuumadda dowladda Puntland ayaa kulankoodii caadiga ahaa ku bogaadiyey go'aankii dhowaan dowladda Puntland ka dhaqangelisey magaalada Galkacyo ee lagu joojiyey gaadiidka xoolaha ka keena koonfurta Soomaaliya.

DIGREETO-Taliyihii qaybta booliska gobolka Nugaal oo xilka laga qaaday.
DHEGEYSO-Barnaamijkii Xulashada Daljir iyo Kooshin.
Dhagayso Barnaamijkii Caawa iyo Daljir Arbaco – 20 – April – 2016 Wariye Axmed Shiikh Maxamed Tallman

Garoowe, Sep 23 2016–Golaha xukuumadda dowladda Puntland ayaa kulankoodii caadiga ahaa ku bogaadiyey go’aankii dhowaan dowladda Puntland ka dhaqangelisey magaalada Galkacyo ee lagu joojiyey gaadiidka xoolaha ka keena koonfurta Soomaaliya.

Golaha xukuumadda ayaa sheegay in tallaabadaani ay muhiimad u leedahay dhammaan umadda Soomaaliyeed, uuna sidiisii usii dhaqan gelidoono, waxaa sidoo kale golahu gorfeeyey sidii xoolaha lakala wareejinayo ay u heli lahaayeen biyo iyo baad intaba.

Afhayeenka madaxtooyada dowladda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel, oo waraysi gaar ah siinayey Radio Daljir ayaa waxa uu sheegay in xukuumaddu ay isku raacday dhismaha siilado qalabaysan oo lagu daryeelo xoolaha mudada lakala wareejinayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: