HomeUncategorized

DHEGEYSO-Qandaraaska dayactirka wada u dhexaysa Garoowe-Galkacyo oo lafuray.

Hay’adda wadooyinka Puntland iyo Hay’ada GIZ ee dalka Jarmalka ayaa saaka magaalada Garoowe ka daahfuray wajiga kowaad ee tartanka qandaraaska dayactirka 80Km oo kamid ah wadada laamiga ah ee udhexaysa Garoowe iyo Galkacyo.

Taliska Ciidamada daraawiishta Puntland ee difaacca Galgala oo ka waramay dhaqdhaqaaqyada ciidan ee kadhanka ah Al-shabaab
DHAGAYSO:Warkii Duhurnimo Jimco_18
DHAAGAYSO:Aabbe Kabarle ah oo Shaqada uu Hayo Guri kaga Dhistay Qardho

Hay’adda wadooyinka Puntland iyo Hay’ada GIZ ee dalka Jarmalka ayaa saaka magaalada Garoowe ka daahfuray wajiga kowaad ee tartanka qandaraaska dayactirka 80Km oo kamid ah wadada laamiga ah ee udhexaysa Garoowe iyo Galkacyo.

Qandaraaskaani ayaa waxaa soo codsaday 9 shirkadood oo dhisme iyadoona sideed kamid ah ay soo buuxiyeen foomamkii codsiga, waxaana shuruudaha lagu kala saarayo ku dhawaaqay agaasimaha Hay’ada wadooyinka Puntland ee PHA Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan.

Ugu dambayntiina wasiirka deegaank Dr Cali Cabdullaahi Warsame iyo wasiirka qorshaynta iyo Iskaashiga caalamiga ah ee dowladda Puntland oo daahfuray qandaraaska ayaa kudheeraaday muhiimadda wadadaani.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: