Madaxweynaha Galmudug: ”Cida amniga ka hortimaada xoog ayaan isaga difaaceynaa”

Madaxweynaha Galmudug: ”Cida amniga ka hortimaada xoog ayaan isaga difaaceynaa”

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlayay Ciidamo ka tirsan qeybta 21aad ee xoogga dalka ayaa sheegay in Ciidamada laga doonay inay fuliyaan howlgallo kala duwan oo ka dhan ah Ururka Al-Shabaab si ay uga saaraan deegaannada ay kaga sugan yihiin Galmudug.

Waxaa uu sheegay in ka maamul ahaan ay ka go’an tahay inay xaqiijiyaan Amniga Guud ahaan deegaannada Galmudug,hayeeshee aysan aqbaleyn in carqalad laga abuuro amniga ay heystaan.

“Cidna kama yeelayno in ay amniga Galmudug Caqabad ku noqoto , ciidamadu waxaan u diyaarineynaa ilaalinta amniga iyo xoreynta deegaanada maqan ,waxana ku amrayaa in cidda ka hortimaada Amniga ay xoog iyo xeeladba ay u adeegsadaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com