Jidhdil iyo mindi-tooreyn Soomaali loogu geystay Jigjiga

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Jidhdil iyo mindi-tooreyn Soomaali loogu geystay Jigjiga

Magaalada Jigjiga, xaafadda 11aad, waxaa maanta jidhdil iyo mindi-tooreyn loogu gaystay wiil Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah. Jidhdilka waxaa geystay r

Shacabka gobolka Sitti ee DDS oo ka bannaanbaxaya xasuuqa lagu hayo shacabka deegaanka
3,000 Liyuu Booliska DDS oo maanta tababar ugu soo xirmay xerada Garabcase
Xafiiska Beeraha Tuli Guuleed oo ku hawlan kahortagga waraarada roobabka ka jeexma

Magaalada Jigjiga, xaafadda 11aad, waxaa maanta jidhdil iyo mindi-tooreyn loogu gaystay wiil Soomaaliyeed oo dhallinyaro ah. Jidhdilka waxaa geystay rag ka soojeeda qowmiyada Oromada.

Wiilka la dhaawacay oo ka soojeedaa deegaanka Tuli Guuleed ayaa hore uga mid ahaa dhallinyaro dhawaan si sharcidarro ah xabsiga Jigjiga loogu xidhay, ayaga oo Komishanku ku eedeeyey in ay “kamidyihiin ragga abaabula difaaca deegaanka Tuli Guuleed, una yimid Jigjiga si ay u abaabuulaan muddaharaad ka dhan ah Kusimaha Madaxweynaha kilalka Soomaalida (DDS), Md. Mustafe Cagjar.”

Xafiiska Komishinka Booliska DDS oo la geeyey dacwad ka dhan ah raggii jidhdilka iyo mindi-tooreynta u geystay wiilka dhibbanaha ah ayaan weli la raadin, sharcigana la horkeenin.  Ragga dhawaaca geystay qaarkood ayaa kamid ah ciidanka dharcadda ee loo yaqaan “Adhmafatanaga.”

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: