Shir looga hadlayo Garsoorka dalka oo Muqdisho ka furmay

Shir looga hadlayo Garsoorka dalka oo Muqdisho ka furmay

Magaalada Muqdisho ayaa Maanta waxaa ka furmay shir Sannadeedka Garsoorka dalka, kaas oo sanadkii labaad muddo 30 sanno ah ka dib la qabanaayo,waxaana uu socon doonaa muddoo laba Cisho ah.

Shirka waxaa ka qayb galaya guud ahaan laamaha garsoorka ee heer federaal iyo Heer maamul goboleed,Wasiirada Cadaaladda Dowladda & Dowlad Goboleedyada,iyada oo looga hadlayo arrimo la xiriira Garsoorka dalka iyo sidii loo tayeyn lahaa.

Shirka ayaa waxaa sanadkaan looga hadlaya caqabadaha heysta Garsoorka dalka,waxyaabihii ka hirgalay balan qaadkii Shirkii sanadkii hore la qabtay iyo sidii si huufan loogu Shaqeyn lahaa Shacabka Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com