Rabashado ka dhex aloosan ciidamada Itoobiya iyo shacabka Wardheer

Rabashado ka dhex aloosan ciidamada Itoobiya iyo shacabka Wardheer

Wiil kamid ah dhallinyarada Wardheer ayaa rag dharcad ahi waxa ay u geysteen jirdil sababay dhaawac. Jirdilka oo ka dhacay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa markii danbe sababay in ragga dharcadda ah xabsiga loo taxaabo, laakiin waxaa ka dabayimid ciidamada gaashaaman ee federaalka, raggii dharcadda ahaana xoog ugala baxay xabsiga.

Markii ciidamadu ay raggaas xabsiga kala baxayeen ayaa shacabka magaaladu isku soo baxeen, ayaga oo ka horyimid in raggaas xabsiga lagala baxo. Ciidamada ayaa markii danbe rasaas nool ku kala eryey shacabkii mudaharaadayey, lamana sheegin cid ku dhaawacantay rasaasta ciidamadu la beegsadeen shacabka magaalada Wardheer.

Illaa iyo hadda madaxda Dowlad Deegaanku wax war ah kama aysan soo saarin xaalka magaalada Wardheer. Kusimaha Madaxweynaha, Mustafe Cagjar ayaa weli ku sugan deegaanka Oramiya.

Diiwaaka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com