Sheekh Maxamed Shaakir oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusuna

HomeWararka

Sheekh Maxamed Shaakir oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug garabka Ahlusuna

Xildhibaano ay shalay soo magacaabeen ururka Ahlu Sunna ayaa maanta waxa ay u doorteen Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxweynaha Galmudug kadib d

Daacish iyo Ciidamada (PSF) Puntland oo maalintii 2aad ku dagaalamaya deegaanka Timirshe ee Gobolka Bari
XULASHADA DALJIR | DEEQO LADAN BASHIIR | BOSAASO
Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo si kulul uga hadlay Dagaalka Wanlaweyn (dhegayso)

Xildhibaano ay shalay soo magacaabeen ururka Ahlu Sunna ayaa maanta waxa ay u doorteen Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan Madaxweynaha Galmudug kadib doorasho goor dhow ka dhacday magaalada Dhuusamareeb.

Ma jirin wax musharaxiin ah oo si rasmi ah ula tartamay doorashadan Sheekh Maxamed Shaakir waxaana ka tanasulay labo musharax oo doonayay in ay la tartamaan.

Doorashadan ayaa waxaa ay u dhacday si gacan taag ah waxana ay ku soo beegantay xilli xalay ay beesha caalamka ka digeen in lagu kala qeybsamo doorashada madaxweynaha Galmudug.

Doorashadan ayaa ka dhigan in garabkii u horeeyay ee garabyada ay u qeybsantay Galmuduh ay ku dhawaaqeen inay Madaxweyne doorteen, iyadoo la filayo in garabyada kale ay iyana maalmaha soo socda ku dhawaaqaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: