HomeUncategorized

Dhagayso Shiikh Maxamuud: Joojinta qaadku waa go’aankii ugu qiimaha badnaa ee DF abid qaadato

Garowe, Sept, 06, 2016 - Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah guddoomiyaha jaamacada bariga africa faraceeda Garowe, kana mid ah culumaa'udiinka Puntland ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljir waxaa uu ku boogaadiyay go'aanka DF ay ku joojisay maandooriyaha Qaadka, waxaana uu hadalkiisa raaciyay codsi uu u diray bulshada Dowladda Puntland oo la xiriira in ay taageerto go'aanka DF ay ku joojisay maandooriyaha Qaadka.

DHEGEYSO-Barnaamijkii Caawa iyo Daljir iyo Cumar Laki Man.
DHEGEYSO-Dhismaha wadada u dhexaysa Garoowe iyo Galkacyo oo laga shiray.
Baahin: Axad, Jul 17, Weriye C/fitaax M. Geedi ~ Daljir ~ Galkacyo. Warbixin ku saabsan hawlaha guddiga gurmadka abaaraha ee dawlada federaalka; wasiirka caafimaadka ayaan ka waraysanay; Somalida Minnesota oo ka qayb qaadanaysa gurmadka abaaraha; Safiya Yaasiin ayaan ka waraysanay; Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka federaalka oo dhaliilay afhayeenka baarlamaanka; Dib u dhac ku yimid magacaabida xukuumada R/wasaare Gaas; afhayeenka wasaarada warfaafinta ayaan ka waraysanay.

Garowe, Sept, 06, 2016 – Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ah guddoomiyaha jaamacada bariga africa faraceeda Garowe, kana mid ah culumaa’udiinka Puntland ayaa waraysi uu siiyay Radio Daljir waxaa uu ku boogaadiyay go’aanka DF ay ku joojisay maandooriyaha Qaadka, waxaana uu hadalkiisa raaciyay codsi uu u diray bulshada Dowladda Puntland oo la xiriira in ay taageerto go’aanka DF ay ku joojisay maandooriyaha Qaadka. 

“Joojintu qaadku waa go’aankii ugu qiimaha badnaa ee DF ay abid qaadato, waa arrin mudan boogaadin, waa go’aan geesinimo ah oo, tan oo kale umma baahna in la siyaasadeeyo, DF waxay raacday amarkii Nabbi NMNNK, waxaan rajaynayaa in arrintaan bulshada Soomaaliyeed oo dhan ay taageeraan” Sidaasi waxaa yiri Shiikh Maxamuud.

Shiikha ayaa sheegay haddii qaadka Soomaaliya laga joojiyo in bulshadu noqon-doonto kuwo ka raysta dhibaatooyinkiisa, waxaa uu sheegay in qaadku uu yahay aafo ku habsatay ummadeena. ayna tahay in loo wada-guntado sidii baabi’bintiisa la isaga kaashan lahaa.

Hoos ka dhagayso

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: