DFS oo saartay amaro ku wajahan xarumaha dhaqan celinta

HomeWararka

DFS oo saartay amaro ku wajahan xarumaha dhaqan celinta

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aamo ka dhan ah Xarumaha dhaqancelinta ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegtay in xarumahaasi ays

Xulashada Daljir Xaawo Axmed iyo Daljir Garoowe (dhegayso)
Norway oo sheegtay in ay Soomaaliya siinayso deyn gaareysa $353 Milyan
DDS: DOOD CILMIYEED LAGU GORFEYNAYEY GUDIINKA GABDHAHA OO LAGU QABTEY MAGAALADA JIGJIGA (DAAWO)

Dowladda Soomaaliya ayaa soo saartay Go’aamo ka dhan ah Xarumaha dhaqancelinta ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxaana ay sheegtay in xarumahaasi aysan waafaqsaneyn Sharciga.

Maxkamadda racfaanka gobolka Banaadir ayaa amar ka soo saartay goobo xabsi u eg oo si qorsoodi ah uga shaqeeya gobolka Banaadir iyo xarumaha qur’aan saarka.

Abshir Cumar C/llaahi oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, sheegay in dacwooyin ka dhan ah xarumahaasi oo ah in dad badan lagu dhibaateeyo ay soo gaareen.

Waxaa uu sheegay in looga baahan yahay in ay soo gudbiyaan Sharciyadda ay heystaan, maadaama Caruurta lagu haayo halkaasi iyo waalidiintooda mararka qaar ay kala kulmaan dhibaatooyin.

Waxaa uu sheegay in aan meel aheyn xabsi aan lagu heyn karin dadka ,maadaama uusan Sharcigu qabin.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan ku wareejisay dowladda Demark Gabadh lagu haayay mid ka mid ah xarumahaasi oo dhaqancelin loo keenay, waxaana ka dhashay buuq fara badan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: