Biyo-Bariga oo Jigjiga looga dabaaldegay; Qabri Dahar oo ciidamadu suurtagaliyeen & Harar oo weeraro lala beegsaday

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Biyo-Bariga oo Jigjiga looga dabaaldegay; Qabri Dahar oo ciidamadu suurtagaliyeen & Harar oo weeraro lala beegsaday

Jidadka waaweyn ee magaalada Qabri Dahar ee gobolka QORRAXEY ayaa saaka lagu daadshay ciidamada faderaalka Itoobiya oo wata gawaadhida gaashaaman, kad

Bilicda Iyo Beeraha Magaalada Dhagaxle ee Dagmada Gursum Ee Gobolka Faafan DDS (Sawiro)
Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti oo Jigjiga soo gaaray
Guddoomiyaha cusub ee Ururka ONLF oo lagu soodhaweeyey Qabri Dahar & Dhagaxbuur

Jidadka waaweyn ee magaalada Qabri Dahar ee gobolka QORRAXEY ayaa saaka lagu daadshay ciidamada faderaalka Itoobiya oo wata gawaadhida gaashaaman, kaddib markii Soomaalidu ay diideen in jidadka loo xidho dabaaldegga qowmiyadda Axmaarada oo u dabaaldegaysa ‘Biyo-Bariga’ diintooda Kiristaanka (Ethiopian Orthodox Church).

Biyo-bariga (Epiphany afka Ingiriiska ama Timket af Amxaariga) waa dabaaldegga Amxaarada maalinkii Nabi Ciise (Jesus Christ) lagu daahiriyey Wabiga Jordan, waana laba maalmood oo ka bilaabata maalinka Isniinta, ayada oo laga soo haajirayo Kaniisadaha, deedna bannaanka teendhooyin Eebbe bari laga mudanayo.

Jigjiga ayaa kamid ah meelaha aad looga dabaaldegay, loona xidhay dhammaan jidadka waaweyn.

Magaaalada Harar ayaan dabaaldeggu ka suurtagalin kaddib markii maleeshiyaan abaabulan oo ka socda qowmiyadda Oramadu ay weeraro kala duwan la beegsadeen goobaha ay leeyihiin ama ay isugu yimaadaan qowmiyadda Amxaaradu. Ma jirin ciidan boolis ah ama mid faderaal oo ka hawlgalay magaalada Harar, si loo suurtagaliyo in uu qabsoomo Biyo-barigu.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: