HomeUncategorized

Maraykanka oo liiska argagixisada gaarka ah ku daray Cabdulqaadir Muumin.

WT, Sep 01 2016--War kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Maraykanku ay liixka gaarka ah ee Argagixisada ku dartay Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo ah hogaamiyaha Daacish garabkeeda Soomaaliyta.

(DHAGEYSO) Barnaamijka Tartan & Tacliin ee Radio Daljir
Maraykanka oo Duqayn ku Dilay Saraakiil ka tirsan Al-shabaab
?Madaxda Puntland oo ka hadlay dilal ka dhacay Puntland.

WT, Sep 01 2016–War kasoo baxay waaxda arrimaha dibadda ee dalka Maraykanka ayaa lagu sheegay in dowladda Maraykanku ay liixka gaarka ah ee Argagixisada ku dartay Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo ah hogaamiyaha Daacish garabkeeda Soomaaliyta.

Amar Madaxweyne oo ku calaamadaysnaa 13224 ayaa dhigaya cunqabateyn lagu soo rogi karo shaqsiyaadka iyo kooxaha la go’aamiyay inay halis ku yihiin Mareykanka.

Ninkaani aayaa madax u ah Koox dagaalyahano Soomaali ah oo bishii October ee sanadkii 2015 ku dhawaaqay inay ku biireen Daacish, kadib markii ay ka baxeen Al-Shabaab.

Cabdulqaadir Muumin, wuxuu kamid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanada Puntland, waxaana uu ahaa Daaci jeediya khudbadaha lagu soo jiidanayo dhalinyarada, isagoo cambaareyn jiray nidaamka Puntland.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: