Tirakoobka iyo diiwaan galinta ciidamada Puntland oo ka socoda qeybo kamid ah gobolada

Tirakoobka iyo diiwaan galinta ciidamada Puntland oo ka socoda qeybo kamid ah gobolada

Taliska Ciidamada Daraawiishta ee Bixin waxaa hawlo shaqo oo ku aadan dhanka Ciidamada u tagey Xubno katirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Dawladda Puntland.

Madaxda Taliska Bixin booqday waxaa ka mid ahaa Wasiirka Maaliyadda ahna Gudoomiyaha gudiga dib uhabaynta Ciidamada Mudane Xasan Shire Cabdi, Wasiirka Amniga Mudane Cabdisamad Maxamed Galan, Taliyaha Ciidamada Daraawiishta iyo Abanduula-yaasha Ciidamada Daraawiishta,

Madaxda ku hawlan saxida Ciidamada ayaa halkaasi kula la kulmay Saarakiisha iyo Ciidamada Taliska Bixin waxana ay kala hadleen habka diwaan galinta iyo tababar loogu furi doono Xerada 54aad ee Garoowe.

Waxaa xusid mudan in Taliska Bixin ee ay ku sugan yihiin Ciidamada Daraawiishta la geeyay Kooxaha Baarista Caafimaadka iyo Diwaan galinta Ciidamada Dawladda Puntland.

Dhamaan Ciidamada Dawladda ee ku sugan Gobolada Puntland waxa ay maridoonaan diwaan galinta habka casriga ah si loo ogaado tirada rasmiga ah ee Ciidmada Dawladda Puntland.

Sawiro.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com