Madaxweyne Deni” Dad Xamar joogga ayaa Farriimo u soo diraya Odayaasha Boosaaso”

HomeWararka

Madaxweyne Deni” Dad Xamar joogga ayaa Farriimo u soo diraya Odayaasha Boosaaso”

Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdilaahi Deni ayaa  shalay bulshada odhaqanka duleedka magaalada Boosaaso  ayaa sheegay in jiraan shaqsiyaad dhibaato

Coll Cabulaahi Gaafa ” Hogaamiye Koxeedyo ayeey isku baddalen dowlad gobaleedyadu (dhegayso)
CAAWA & DALJIR | XUSEEN MADAR | DALJIR GAALKACYO
Xoghayaha Guud ee QM Guterres: Su’aalaha aan dowladaha weydiino waa in aan laga dareemin “akhlaaq-xumo iyo isla-weyni” (daawo)

Madaxweynaha  Puntland  Siciid Cabdilaahi Deni ayaa  shalay bulshada odhaqanka duleedka magaalada Boosaaso  ayaa sheegay in jiraan shaqsiyaad dhibaato ku haya gobolka Bari oo ku sugan Gudaha magaalada Boosaaso.

Waxaa uu sheegay in xubno ka mid ah dowladda dhexe ee Soomaaliya ay Farriimo u soo dirayaan odayaasha dhaqanka si looga soo horjeesto maamulka uu hoggaamiyo ee Puntland.

Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayuu sheegay in ay si joogto ah Farriimo ugu soo dirto qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Boosaaso si loo abuuro khalkhal Siyaasadeed oo ka dhan maamulka Puntland.

waxa uu sheegay in aysan heynin tabar Dhaqaalle, Mid Amni iyo horumarin Midna laakiin ay diyaar u tahay waxa dhisan in ay burburiso oo meesha ka saarto.

Waxaa uu ugu baaqay odayaasha dhaqanka  ee magaalada Boosaaso adkeynta Ammaanka , iyo Midnimada Shacabka Boosaaso.

 

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: