Al-shabaab iyo ciidamada dowladda oo dagaal khasaare gaystay ku dhexmaray Jubbada hoose

HomeWararka

Al-shabaab iyo ciidamada dowladda oo dagaal khasaare gaystay ku dhexmaray Jubbada hoose

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta jubbaland ayaa howlgal ka sameeyay nawaaxiga deegaanka hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose,kaasi oo lagu b

Itoobiya oo xirtay hoggaamiyeyaal ka tirsan Jabhadda Tigray-ga
Warka Duhurnimo iyo Khadar Cawl (dhegayso)
Xildhibaano eedeyeey Madaxweynaha DFS

Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta jubbaland ayaa howlgal ka sameeyay nawaaxiga deegaanka hoosingoow ee gobolka Jubbada hoose,kaasi oo lagu baacsanayay argagixisada Alshabaab

Intii uu socday howlgalkaasi wada jirka ahaa ayaa afar kamid ah maleeshiyada shabaab lagu khaarijiyay,sida ay warbaahinta Qaranka u xaqiijiyeen saraakiisha ciidankaasi hoggaaminaysay.

Xubnahan ka tirsanaa maleeshiyada Alshabaab ayaa qorsheynayay in ay hoosingoow weeraraan,balse ciidanku ay ka hortageen ayna fashiliyeen qorshohoodi guracanaa.

Goob joogayaal deegaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in meydadka 4tii xubnood ee ka tirsanaa Shabaab ay halkaasi ku aaseen dadka deegaanka.

Tani ayaa muujinaysa dhabar jabka ay argagixisadu ay Kala kulmayaan ciidanka xoogga Dalka oo Laba jibaaray howlgalada ma dhanka Alshabaab.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: