Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti oo Jigjiga soo gaaray

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Wasiirka Arrimaha Gudaha Jabuuti oo Jigjiga soo gaaray

Waxaa garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga lagu soodhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Jabuuti SIRAAJ CUMAR iyo wafti sare o

Jigjiga University oo caawa muddaharaadyo rabshado wata ay gilgileen
JIGJIGA: Saxaafadda madaxabannaan oo loo diidey shirkii Xildhibaanada DDS
Degmooyinka Gobolka FAAFAN oo deeq gaarsiiyey barakacayaasha Tuli Guuleed

Waxaa garoonka diyaaradaha Garaad Wiilwaal ee magaalada Jigjiga lagu soodhaweeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha dalka Jabuuti SIRAAJ CUMAR iyo wafti sare oo uu hogaaminayo.

Waftiga Wasiirka iyo maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa shir uga furmi doonaa isla magaalada jigjiga. Shirka ayaa lagu falaanqeyn doonaa sidii sare loogu qaadi lahaa xidhiidhka ganacsi ee u dhexeeya DDS iyo Jabuuti.

Jabuuti ayaa kamid ah silsiladda ganacsi ee Shiinuhu ka dhidbayo dunida dacaleeda ee loo yaqaan “Road & Belt Initiative,” lana rajeynayo in ay Shiinaha u noqoto boroosinkeeda qaaradda Afrika.

Shiinaha ayaa waxa kale oo uu Jabuuti ku leeyahay saldhig ciidan kiisa dunida ugu weyn meel ka baxsan dalka Shiinaha. Sidoo kale dalalka USA, Japan iyo Faransiiska ayaa ayana Jabuuti ku leh saldhigyo ciidamo.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: