Wacaal Darey: Askari ka tirsanaa ciidamada Taraafikada oo Boosaaso lagu dilay

Wacaal Darey: Askari ka tirsanaa ciidamada Taraafikada oo Boosaaso lagu dilay

Askari ka tirsan ciidamada Taraafikada Boosaaso ayaa goor dhawayd kooxo ku hubaysan baatoolado waxa ay ku dileen isgoyska Gaaco meel wax yar ujirta xarunta dowladda Hoose.

Askarigan lagu dilay Boosaaso ayaa lagu magacaabaa Cumar Iley.

kooxdii dilka gaysatay ayaa goobta isaga baxsatay,waxaana goobta soo gaaray ciidamada amniga oo meedka Askariga u qaaday isbitaalka.

Ciidamada Taraafikada ayaa ah  intabadan ciidan aan hubaysnayn, kuwaas oo ay shaqadooda ay tahay kala hagida gaadiidka xiliga ay waddadu mashquulka tahay iyo ukala garsoorida gaadiidka isku dhaca.

Dilalka loo gaysanayo askata ciidamada dowladda ayaa ku soo badanaya magaalada Boosaaso,mana jirto ilaa hada wax war ah oo ka soo baxay laamaha amniga iyo cid loo soo qabtay.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0