Mareykanka oo beeniyey in ay ka baxayaan wadanka Ciraaq

Mareykanka oo beeniyey in ay ka baxayaan wadanka Ciraaq

Wasiirka difaaca Mareykanka ee Mark Esper ayaa beeniyey warar sheegaya in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq ka baxayaan wadankaasi.

Hadalka ka soo baxay Mr.Mark Esper ayaa yimid, kadib markii waraaq uu qoray taliyaha ciidanka Mareykanka ee Ciraaq nuqul ka mid ah la helay, waraaqdaasi oo ku qornayd”’ Ciidamada Mareykanka ee Ciraaq waa ay ka soo baxayaan wadankaasi, maalmaha soo socda ama todobaadka nagu soo aadan.

Mark Esper ayaa sidoo kale sheegay in waraaqda la sheegay in uu qoray taliyaha ciidanka Mareykanka ee Ciraaq ay tahay mid been abuur ah.

Baarlamaanka Ciraaq ayaa meel mariyey qaraar ciidmada shisheeyey ee ku sugan Ciraaq looga saarayo.

Mareykank ayaa weli ku adkeysanaya in uu ku sii sugnaan doono wadanka Ciraaq.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com