HomeUncategorized

Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geerida general Maxamed C Samatar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xukuumaddii milateriga ee Soomaaliya ka soo qabtey xilal sare.

Wareegga Afaraad (Quarter Final )ee barnaamijka Tartan iyo Tacliin oo caawa la isku aadiyay
Dawladda oo sheegtey in ay guulo ka soo hoyeen dagaalladii maanta ka dhacay Muqdisho iyo deegaanno horleh oo diriri ay ka socoto. [Akhris …]
Madaxweynaha Burkino Faso ee la Afganbiyay oo Dib loogu celinayo xukunka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee marxuum S/Guud Maxamed Cali Samatar oo xukuumaddii milateriga ee Soomaaliya ka soo qabtey xilal sare.

Marxuum Samantar oo dalka ka soo noqdey Madaxweyne Ku-Xigeen 1-aad, Ra’iisul Wasaare, iyo Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa xalay ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa marxuumka ku tilmaamey inuu ahaa shakhsi waddankiisa wax badan oo waxtar leh u soo qabtey.

“Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaceyga, iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed geeridan ku timid S/Guud Maxamed Cali Samantar. Waxaa uu ahaa waddani kaalin weyn ka qaatey dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo waagaas noqdey kuwa ugu firfircoon uguna tayo wanaagsan Afrika’’.

Madaxweynaha ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: