Wacaal Darey ah: Iran oo ka baxday heshiiskii xakameynta hubka wax gumaada

Wacaal Darey ah: Iran  oo ka baxday heshiiskii xakameynta hubka wax gumaada

Dowladda Iran ayaa kabaxday heshiiskii xakameynta hubka wax gumaada ee Nuclear-ka oo 2015-kii ay saxiixday kaddib kulan degdeg ah oo golaha amniga Qaranka Iran isugu imaadeen.

“Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran waxey ka baxeysaa heshiiskii xadidaada Nuclear-ka, sidaas darteed Iran waxey balaarineysaa hubkeeda iyadoo awood dheeri ah siineysa macdanta Yuuraaniyaamka Nuclear-ka,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha Amniga Iran.

Dilkii Mareykanka ee Janan Qaasim Suleymaani ugu geestay Baqdaad waxey uga dhigantahay Iran in qaranimadeeda lagu soo xadgudbay, waxeyna wacad ku martay in ay ka aargoosan doonto Mareykanka

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com