Cabdiraxmaan Cirro oo ka tacsiyeeyey qaraxii Muqdisho

Cabdiraxmaan Cirro oo ka tacsiyeeyey qaraxii Muqdisho

War qoraal ah oo boggiisa Facebook uu kusoo qoray Guddoomiyaha Xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Ciro ayuu uga hadlay Qaraxii Muqdisho, wuxuuna u qornaa sidan:

Naxdin iyo tiiraanyo ka weyni ma jirto in la gummaado shacab aan waxba galabsan, ardaydii ahayd ubixii soo kacaayey, xoogsato shaqo tag ah, runtii waxa aan si weyn u tacsiyadeynayaa ehelada dadkii ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmayba qaraxii bahalnimada iyo ismiidaaminta ahaa ee shalay ka dhacay magaalada Muqdisho” ayuu yiri C/raxmaan Cirro.

Waxaa kaloo intaas hadalkiisa uu sii raaciyay “Ilaahay inta dhimatay naxariistiisa janno haka waraabiyo, inta ku dhaawacantayna caafimaad degdeg ah ha siiyo, waxa aan leeyahay dadka reer Muqdisho ee dhibkaasi soo gaadhay, ha is dhiibina walaalayaal!”

Qaraxii shalay ka dhacay Isgoyska Ex-Koontarool Afgooye ayaa waxaa ku dhintay 79 Ruux, halka 149 qof kalena ay ku dhaawacmeen, kuwaasi oo u badan dad shacab ah.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com