HomeUncategorized

Raashinkii Turkigu keenay Puntland qaybtiisii Gardafuu oo la musuqmaasuqay.

Baargaal, Aug 12 2016--Maamulka degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa maanta Daljir u sheegay in raashinkii mucaawimada ahaa ee gobolka musuqmaasuq lagu sameeyey.

M/weyne Faroole iyo wafti wasiiro ah oo uu hogaaminayo oo dib ugu soo laabtay Puntland.
Baahin: Arbaca, Dec 21, Axmed Jookar ~ Daljir ~ Bossaso. Khudbadihii madaxda Somalidu ay ka jeediyeen furitaanka wajiga 2-aad ee shirka wadatashiga Somalida; Ammaanka caasimada Puntland, Garowe oo aad loo adkeeyey; Isu-gacan-qaad mar kale dhex maray mudanayaasha baarlamaanka federaalka ah.
Ciidamadii ugu horeeyay oo ka socda Dowladda Itoobiya oo Kismaayo Gaaray

Baargaal, Aug 12 2016–Maamulka degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa maanta Daljir u sheegay in raashinkii mucaawimada ahaa ee gobolka musuqmaasuq lagu sameeyey.

Gudoomiyaha degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu, Abuukar Axmed Yuusuf ayaa waraysi uu siiyey Radio Daljir waxa uu ku sheegay in gudoomiye ku-xigeenka gobolka Gardafuu uu musuq maasuqay qoondadii gobolku kulahaa raashinkii Turkiga.

Abuukar Axmed Yuusuf, waxa uu xusay inay hayaan cadaymo muujinaya in raashinkii mucaawimada ahaa laga iibsaday bakhaaro kuyaal bogolka aana lagaarsiin dadkii wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland usoo dhiibtey.

Gudoomiyaha degmada Baargaal ayaa ugu baaqay dowladda Puntland gaar ahaan wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Puntland inay arrinkaani wax ka qabato raashinkaasna dib loosoo celiyo.

Radio ayaa kuhowlan inuu xiriir la sameeyo wasaaradda arrimaha gudaha, gudoomiyaha iyo gudoomiye ku-xigeenka gobolka Gardafuu si ay arrintaasi xog rasmi ah uga hesho.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: