Odayaasha soo xulaya baarlamaanka Galmudug oo la xareeyay

HomeWararka

Odayaasha soo xulaya baarlamaanka Galmudug oo la xareeyay

Waxaa Saacadihii lasoo dhaafay ka billowday Magaalada Dhuusamareeb xaraynta Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha Baarlamaanka Galmudug, si loo dhi

Ciidamada Booliska Gaalkacyo oo howlgal ku soo qabtay Khamri (Daawo)
Dalladda PUNSAA oo cambaareysey fal wuxuushnimo ah oo lagula kacay qoys si nabad ah u hurdey hoygooda oo lagu handadey magaalada Boosaaso.
Madaxweyne Laftagreen oo Guddoomiye u magacaabay gobalka Sh.hoose

Waxaa Saacadihii lasoo dhaafay ka billowday Magaalada Dhuusamareeb xaraynta Odayaasha dhaqanka ee soo xulaya xubnaha Baarlamaanka Galmudug, si loo dhiso maamul loo dhan yahay.

Munaasabad lagu Daah-furayay xaraynta Odayaasha oo xalay lagu qabtay Dhuusamareeb ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Wasaarada arrimaha gudaha Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye iyo madax kale.

Guddiga farsamada maamul u samaynta Galmudug ayaa soo saaray hab-raaca doorashada, waxaana la xaqiijiyay Odayaasha dhaqanka ee ah Saxiixayaasha ka ah dhismaha maamulka loo dhan yahay oo ay yeelato Galmudug.

Hannaanka dhismaha Galmudug loo dhan yahay ayaa haatan maraya meel gabo-gaba ah, waxana door weyn ku leh dar-dar gelinta howlaha maamulka Guddiga farsamada iyo Wasaarada arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: