HomeUncategorized

Madaxweynaha oo sagootiyey ka qaybgalayaasha ciyaaraha Olompicada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta madaxtooyada ku qaabilay ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeyb-galeysa tartanka Olimbikada adduunka ee RIO 2016 oo lagu qaban doono dalka Brazil.

Baahin: Axad, Mar 11, Jaamac C/raxmaan ~ Daljir ~ Galkacyo. M/weyne Faroole oo sheegay in xilka golayaasha dawladu uu yahay shan (5) sano; Is-maandhaaf ka taagan mudada xilka golayaasha dawlada: Ma 4 sanaa mise waa 5 sano? Kenya oo ku eedaysan Al-shabaab qarax ka dhaca Nairobi.
Hor-joogaha koox burcad-badeed ah oo dagaal uu dhex maray ciidanka PL oo waraysi siiyay daljir.
Caraale, afhayeenka Xisb al Islam oo sheegay in dilka Cumar Xaashi uu ku faraxsan yahay. Dhegaysi …

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa  xarunta madaxtooyada ku qaabilay ciyaartooyda xulka Qaranka Soomaaliyeed oo ka qeyb-galeysa tartanka Olimbikada adduunka ee RIO 2016 oo lagu qaban doono dalka Brazil.

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhiira-geliyey islamarkaana guddoonsiiyey Calankeenna Soomaaliya ciyaariyahanada Maxamed Daa’uud Maxamed iyo Maryam Nuux Muuse oo ka qeyb galaya tartarnka RIO 2016 gaar ahaan ciyaaraha fudud.

“ Mar ka hore waxaa guul inoo ah oo muhiimadeeduna leh inaad maanta ka qeyb galeyno tartankaas, waxaan aad iyo aad ugu kalsoonahay inaad guul ka soo hoyin doontaan ciyaraha Olimbikada adduunka ee RIO 2016 gaar ahaan kuwa fudud oo aad ka qeyb galeysaan. Dowladda Soomaaliya diyaar ay la tahay wax walba oo idin fududeynaya inaad ku guuleysataan tartarnka, sidoo kale xirriirka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed garabkiina ayey taagan yihiin” ayuu yiri Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u rajeeyey ciyariyahanadaan oo maalinta berrito ah u ambabaxi doona dalka Brazil inay guul ka soo hoyin doonaan tartarnka , wuxuuna u ballan-qaaday in dib u soo laabashadooda loo sameyn doono soo dhaweyn ballaaran.

— Dhammaad–

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: