Site icon Radio Daljir

Reer Galbeedka oo horay usii ogaa weerarkii kadhacay Kenya

Wargayska The Gurdian ee kasoo baxa magaalada London ayaa sheegay sirdoonka reer Galbeedka inay horay ugu sii digeen laamaha ammaanka ee Kenya weerarada Al-shabaab ay qorshaynayso inay ka fuliyaan gudaha dalka Kenya.

Sarkaal katirsan ciidamada sirdoonka ee Kenya ayaa isaguna u sheegay wakalaadda wararka AP inay ku jahwareereen wararka faraha badan ee la xiriiray weerarka AL-shabaab.

Sarkaal katirsan sirdoonka reer galbeedka ayaa u sheegay Gurdian in dowladda Kenya ay dhagaha ka fursaysatay digniinta ay siiyeen hay’adahooda, waxaana uu sheegay kadib markii xogta ay heleeen inay isku dayeen inay fashiliyaan qorshaha weerar ee Al-shabaab, balse bartilmaameedka weerarka ay u badaleen goobo kalle.

Weerarka lagu qaaday dhismaha hotelka Dusit2 waxaa ku geeriyooday 21 qof, boqolaal qofna ayaana laga soo badbaadiyay , waxaana ay ciidamada Kenya ay xireen dad deganaa gurigii weerarka laga soo abaabulay.

 

Exit mobile version