Zimbabwe oo mamnuucday Xoolihii uga Imaan Jiray wadanka South Africa

Dowladda Zimbabwe ayaa sheegtay inay iska joojisay xoolaha iyo hilibka uga imaan jiray wadanka ay deriska yihiin ee South Africa.

Qoraal ka soo baxay wasaaradda xanaanada xoolaha ee Zimbabwe, isla markaana lala wadaagay warbaahinta ayaa lagu sheegay in xoolaha iyo hilibka laga keeno South Africa la mamnuucay, kadib markii baaaritaan lagu sameeyey laga helay cuduro.

Wadanka Zimbabwe ayaa xoolo fara badan uga imaan jiray wadanka South Afrca, sida lo’da, geela, ariga iyo hilibka doofaarka.

Bishii July ee sanadkan 2019 ayey ahayd markii sidan oo kale ay dowladda Zimbabwe mamnuucday xoolihii iyo hilibkii uga imaan jiray wadanka Suth Africa.

Wadamada Botswana iyo Swaziland ayaa iyana horey u mamnuucay xoolihi uga imana jiray South Africa, kadib markii laga helay cuduro halis ah

Xoolaha Sout Africa ayaa la sheegay in laga helay cudurada xoolaha afka uga dhaca iyo cuduro kale oo faafa.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com