Yemeniyiinta oo ka mudaaharaaday Joogitaanka Imaaraatka Carabta ee jaziiradda Suqadra

Yemeniyiinta oo ka mudaaharaaday Joogitaanka Imaaraatka Carabta ee jaziiradda Suqadra

Dibadbaxyo waawayn ayaa ka bilowday magaalooyinka jaziiradda Suqatra ee saaran badwaynta Hindiya una jirta xeebta deegaanka Raascasayr ee gobolka Gardafuu Soomaaliya 100km , xeebaha Yemena u jirta 350km dhanka Koofureed, kadib markii ay halkaasi gaareen ciidamo katirsan dowladda Imaaraatka Carabta.

Ciidamada Imaaraatka ayaa la wareegay goobaha muhiimka ah ee jaziiradda ee dekedda iyo garoonka diyaaradaha, waxaana ay sureen calanka dowladda Imaaraatka Carabta.

Shacabka ayaa sheegaya inaanay jirin sabab ay Imaaraatku u yimaadaan jaziiradda oo ay joogin kooxda Xuutitiyiinta ee Isbahaysiga Sacuudiga iyo Imaaraatku dagaalka ay kula jiraan.

Dibadbaxayaasha ayaa qaaday waddooyinka magaalada Hadibu, iyagoona sheegaya in dowladda Imaaraatka Carabta ay kusoo xadgudubtay shacabka jaziiradda.

Dowladda Yemmen ayaa iyana ka carootay go’aanka ciidamada Imaaraatka ee jaziiradda lagu geeyey.

Jaziiradda Suqadra ayaa u dhow xeebaha Soomaaliya marka lala barbar dhigo Yemen, waxaana ay u jirtaa xeebta deegaanka Raascasayr ee Caluula 100km, halka Yemena ay u jirto 350km.

Hey’adda UNESCO iyo hey’ado kale oo deegaanka khuseeya ayaa waxa ay sanadkii 2008 –dii ku sheegeen Jaziiradda Suqadra meelaha ugu muhiimsan ee tilmaamaya dhaqanka caalamiga ah, ayna tahay meelaha ugu yaabka badan dunida, marka loo eego ahmiyadda deegaaneed ee Jaziiradda ay u leedahay caalamka.

Jaziiradda ayaa waxa ay ku fadhidaa muhiimad, iyadoo ku taala meesha ay ku kala qeybsamaan labada badood ee istiraatiijiga ah ee kala ah Badda Cas iyo Badweynta India, tani waxa ay siisay qaar ka mid ah wadamada USA, Russia, Iran, Japan iyo China ahmiyad milatari, waxaa loo eegaa Jaziiradda inay tahay marin muhiim u ah Maraakiibta xambaarsan Shidaalka, waxaana marinkaasi laga gudbiyaa waxyaabaha ugu badan ee dowladda China ay soo saarto.

Kooxaha Burcadbadeeda ayaa horay uga qaadan jiray shidaalka, waxaana sidoo kale xarun istiraatiiji ah ay u tahay militariga, waxaana dega dad Soomaali, Carab iyo Afrikaan kale isugu jira.

Dowladdii dhexe ee Soomaaliya ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre ayaa sanadihii todobaadtameeyadii u gudbiyay QM dacwad ka dhan dowladda Yemen oo kusaabsan jaziiraddaasi inay katirsantahay Soomaaliya, balse arrinkaasi waxaa aad uga carooday dowladda Yemen, iyadoo ay keentay labada dal ee Soomaaliya iyo Yemen inuu xiriirkoodu xumaado.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    UAE KU LAHAA WAA NALAKA GADAY JAZIIRADA!.
    KKKKKKKKK
    BERBERA & BOSASANA DHAHA WAA NALAKA GADAY.
    BAL NOOCA RABA INAY WAX KU HABSATO DAYA.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com