Duqa Muqdisho oo dib-u-soo celiyay guri xoog lagu gaystay 28 sano (sawirro)

Duqa Muqdisho oo dib-u-soo celiyay guri xoog lagu gaystay 28 sano (sawirro)

Duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Yariisow ayaa maanta dib-ugu-sooceliyay dadkii lahaa guri ku yaala magaalada Muqdisho oo qof muwaadin ah xoog looga haystay.

Gurigan ayaa waxaa ka muuqday dayac iyo burbur baahsan oo ay ka muuqatay xiliga la wareejinayay.

“Dadkii deggenaa oo diiddanaa in ay u banneeyaan ayaan u sheegnay inaan sharciga horgeyneyno oo ay Xabsi muteysanayaan iyo in aan ku soo dallaceyno kiro 28 Sano ah haddii aysan deg-deg uga bixin, tan ayaa suurto gelisay in aan Maanta ku wareejinno,” ayuu yiri Guddoomiye Yariisoow.

Saas oo ay tahay, haddana Injineer Yariisoow kama uu hadlin danbiga ay galeen haystayaasha guriga, sidii loogu qaadi lahaa dambigaas, iyo waliba bixinta kiro 28 sano ah oo ay guriga xoog ku haysteen.

Gurigan ayaa waxaa iska lahaa Luul Maxamed Digriyow oo si rasmi ah furayaasha loogu wareejiyay.

Maamulka Gobolka Banaadir oo uu horkacayo Duqa Muqdisho Injineer Cabdiraxmaan Yariisoow ayaa marar badan Guryahii ay lahaayeen ku wareejiyay dadkii lahaa oo laga haystay muddo dheer.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com