Xisbiga Conservative ayaa ku guul taariikhi ah ka soo hoyay doorashadii shalay ka dhacday Britain, taasoo mar kale Ra’iisul Wasaare Boris Johnson siineysa inuu sii hoggaamiyo Xafiiska Downing Street ee looga arrimiyo UK.
Mr Johnson iyo Xisbigiisa ayaa guul ka soo hoyay goobo markii hore ku guuleysan hireen Xisbiga Shaqaalaha, waxaana tani ka dhigan in Xisbiga Conservative-ka ay guul weyn ka gaaraan doorashada sodon sano kaddib.
Ra’iisul Wasaare Boris Johnson ayaa sheegay in guushan ay mar kale siineyso fursad uu ku hirgeliyo ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub.
Xisbiga muxaafidka ayaa heli doona 364 xildhibaan, halka xisbiga shaqaalaha ay ku guuleysteen kuraas dhan 203, halka Xisbiyada kale ay wada heleen SNP 55, Liberal democrats 13, Plaid Cymru afar iyo Greens oo hal kursi ah.
Tani ayaa waxay noqoneysa in Xisbiga Conservative-ka uu aqlabiyadii ugu ballaarneyd ku yeelan doonaan Baarlamaanka dalkaas, oo sidan oo kale sanadkii 1987, xilligaasoo ay Ra’iisul Wasaare ka aheyd Britain Margaret Thatcher.
U Jawaab NuurkaNederland Buri halceliska